Waa maxay galmo? Galmadee ayaan doonayaa? Galmadee ayuu rabaa qofkan aan la seexanayaa? Ma waxa aan ka helaa galmada adag mise cid ayaa igu tiri in aan jeclaado ayaa habboon? Ma waxa aan iska yeelyeelaa in aan jeclahay waxyaabo si aan ugu muuqdo qof garanaya? Ma wax fiican baa in la ”iska bilaabo uun” ayada oo aan la hubin in kuwa kale ay ka helayaan taas? Galmadu waa wax xiiso badan, aad loo jecelyahay oo macaan. Laakiin waxa kale oo ay noqon kartaa kadeed iyo bilaa raaxo. Galmadu in ay wax fiican waa in mar walba la dareemo, inta aan la samayn, marka la samaynayo iyo ka dibba. Adiga oo aan sheegin qofka aad tahay, waxa aad qoraal, nagalaa sheekaysan kartaa, dhammaan afkaartaada ku saabsan galmada. Waannu ku dhagaysanaynaa oo ku taageeraynaa.
Galmadu waa ay u kala duwantahay dadka kala duwan balse waxaa lagu qeexaa wayaalo uu qofku naftiisa ama dad kale ugu sameeyo qaab jinsi ah. Qaar badan oo inaga mid ahi waxay qabaan afkaar ku saabsan galmada, sawir-maskaxeed iyo dareen galmo oo ku saabsan qof ama wax. Waxaa jira qaabab badan oo galmo loo sameeyo, tusaale ahaan waxay noqon kartaa in la siigaysto (qofka oo iskii u raaxaysta), in la salaaxo, la tataabto ama loola sheekaysto qof si kacsi leh. Sidaa ay u jiraan qaabab kala duwan oo galmada loo sameeyo ayey dadkuna dhammaantood u jecelyihiin qaabab kala duwan oo ay galmada u sameeyaan ama ula sameeyaan cid. Xaq baad u leedahay in aad sahamiso qaabkaaga qalmo iyo waxa aad jeceshahay. Marka aad adigu iskaa isugu raaxaynayso, waxaad samaynaysaa sida aad doonayso. Marka aad qof kale la seexanayso, waxaad wada go’aaminaysaan labadiinna isla seexanayaa, waxaa idiin raaxo badan ee idiin wanaagsan.