Dhammaan dadku waxay jeclaan karaan noocyo kala duwan oo galmada ka mid ah, markaa haddii uu jiro is oggolaansho loo dhanyahay, waa caadi in la sameeyo sida aad dhammaantiin rabtaan. Sidee ayaad ku garanaysaa, waxaa uu rabo qof kale? Waa muhiim In aad waydiiso su'aalo kala duwan oo aad akhrido luqadda jirka ee qofka ama qofafka aad galmada la wadaagayso, si aad u hubsato in aad waxyaalo isku mid ah, ka heshaan. In aad waydiisaa waxay noqon kartaa wax adag oo laga yara qajilo bilawga hore, balse ka dhigo qaab aad u tababarato oo aad u hubsato in aanad ka tallaabsan qof kale xadkiisa. In aad qof kale xadkiisa ka gudubto, waa sharcidarro iyo dembi. Waxaa suurtagal ah in aad is tiraahdo arrintuba waa in aad waydiiso oo aad sugto, haa, laakiin sidoo kale waxaa calaamado kale ah in kuwa aad galmada la wadaagaysaa ay ugu raaxaystaan sidaada oo kale. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad ixtiraanto ereyga maya. Marna sax ma aha in aad baryo iyo ku celcelin ku keento oggolaanshaha!
Sidee ayaad u hubinaysaa in qofka aad doonayso in aad galmo la wadaagto, uu rabo inuu tijaabiyo isla waxyaabaha aad adigu rabto ? Taladayadu waxay tahay in aanad qofka weydiin uun in uu doonayo waxa aad adigu rabto. Balse waxa aad waydiisaa waxa uu qofku jecel yahay, ee uu u arko wax fiican amaba uu rabo inuu tijaabiyo.
Marka galmo lala samaynayo qof, waa muhiim in uu xiriir jiro, si loo fahmo waxa uu qofka kale doonayo in uu sameeyo. Haddii aynu fahansannahay waxa uu qofka kale doonayo in uu sameeyo, waxa ay galmadu noqonaysaa wax xallad leh oo macaan. Dad badani waxa ay daawadaan muuqaallada jinsiga, si ay fikrad uga qaataan sida ay galmadu u dhacdo. Waxaa fiican in aad maanka ku hayso, marka aad muuqaal jinsi ah la kulanto, in aanu ku tusayn waxa ay galmadu tahay. Muuqaallada jinsiga ah kama baranaysid, sida aad u hubinayso in dadka aad galmada la samaynaysaa ay sidaada oo kale ugu raaxaysanayaan oo ay kalsooni dareemayaan.
Muuqaallada jinsiga ahi waxa ay iska samaystaan xeerar ku saabsan waxa habboon in aynu samaynno ama ay tahay in aynu doonno samayntiisa, xitaa haddii aanad rabin. Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in aad mar walba waydiiso oo aad hubsato in dadka aad galmada la wadaagaysaa ay rabaan, waxa aad adigu rabto. Waxaa aad ugu badan muuqaallada jinsiga in ay gabartu dhahdo: maya, ma rabo, laakiin uu wiilku iska sii wato galmadii. Muuqaallada jinsigu waxaa ay inagu qaldi karaan in is oggolaanshuhu aanu macno lahayn, balse waa uu leeyahay. Galmo aan is oggolaansho ku iman, sax ma aha ee waa sharrcidarro.