Gacankahadal iyo bahdilaad

Cagajuglayn, hanjabaad, takoorid, faallooyin xunxun iyo indhokugubid. Xadgudub, qaawanaan aan ikhtiyaari ahayn, sawir aanu rabin oo qaawani lagaga qaado iyo kufsi. Laadlaadid, feerar, ceejin, "muran ku kaftamid" iyo jirdil. Waxaa jiro qaabab badan oo qofka loo dhibaateeyo. Dadka qaarkood waxa ay tani u tahay qayb nolosha ka mid ah. Qaar kalena maba yaqaannaan. Qaar wiilasha ka mid ah ayaa dhibtan loo qaystaa, qaarna iyaga ayaa dhibta u geysta dad kale. Dad badan ayaa garanaya qof dhibaato loo geystay.

Inta badan waxa aannu la hadalnaa wiilal dhibaato lagu sameeyey ama iyagu dhibaato sameeyey oo waa noo caadi in aannu maqalno qisooyin kadeed ah. Badiyaa waa ay adagtahay in laga hadlo, laakiin waxa aannu kuu hubnaa in ay ka hadliddu waxtar leedahay. Qaybtayada qoraalkusheekaysiga waxa aad kaga hadli kartaa dhammaan arrimaha xadgudubka. Aqoonsigaagu waa uu qarsoonyahay gebi ahaan, waanannu ku taageeraynaa. Sidoo kale waxa aannu kuu joognaa halkan rugta qaabilaadda wadahadalka oo aad bilaash kula hadli karto lataliyaha arrimaha bulshada (kurator) oo badiyaa wiilasha kala hadla arrimaha masayrka iyo gacankahadalka.

Dhibaato lagu sameeyey

Wiilal badan waxaa lagula kacaa wax qofka dhibaato ku ah. Tusaale ahaan waxaa lagugu dhibaatayn karaa guriga, kooxda asxaabta ah dhexdooda, internetka, xaafadda aad deggentihiin ama dhammaan meelahaas oo dhan. Marka tacaddi lagugu sameeyo, noloshaadu siiyaabo kala duwan ayey u xaddidmaysaa. Qaar badan ayaa mooda in ay iyaga qaladkooda tahay in dhibaato lagu sameeyaa. Waxaa laga yaabaa in ay kugu soo dhacaan afkaar sidan oo kale ah ”Waxaa ahayd in aan la qabsado” ama ”haddii aanan anigu kadeed badnaan lahayn….”. Laakiin, adiga qaladkaaga ma aha! Qofna xaq uma laha in uu kugu sameeyo xadgudub ama bahdilaad!

Ma aha qaladkaagal

Marna eed kuma lihid in uu qof kale dhib kugu sameeyo. Laakiin haddana waannu maqalnaa afkaarta badan ee qurux badan ee ku saabsan sidii aad isaga ilaalinayso dhibaato lagugu sameeyo. Sida in aad qolka isku soo xirto marka uu aabbe wax cabbo, in aad waddo kale guriga u soo marto marka aad iskuulka ka timaaddo, in aad faallo maad leh bixiso marka xaaladdu xumaato iyo waxyaalo kale oo badan.

Su’aalaha soo noqnoqda ee ku saabsan xadgudubka

Halkan waxaa ku yaal dhawr su’aalood oo soo noqnoqda oo ku saabsan xadgudubka.

Dareenka masayrka laftiisu waa wax iska caadi ah. Dadka qaar marmar ayey dareemaan mayayr, qaarna inta badan si xoog ah ayey dareemaan. Masayrku ma aha wax la xiriira sida aad wax u jeceshahay, ee waa dareen ka imanaya adiga naftaada iyo waaya-aragnimadaada. Haddii aad aragto dareenkan, dabadeedna aad is dhaafiso, waa uu iska yaradaa. Haddiise aad tallaabo qaaddo adiga oo ka duulaya masayrka oo tusaale ahaan aad kontoroosho qof lammaane ah oo aad isku daydo in aad go’aamiso cidda uu xiriirka la yeelanayo, markaa dareenku waa uu sii xoogaystaa wakhtiba wakhtiga ka sii dambeeya. Sidoo kale waxa ay noqonaysaa kadeed in lala sii joogo qof ku kontoroolaya. Miyaad inta badan dareenka masayr oo waxaa dhici karta in aad samasay wax aad ka shallaydo? Waxa aannu inta badan kala hadalnaa wiilasha, wax ku saabsan masayrka – qaybta qoraalka iyo qaybta khadkaba. Qaybta rugta qaabilaadda wadahadalka waxaad bilaash kula hadli kartaa lataliyaha arrimaha bulshada!

Waa wax caadi ah in la dareemo caafimaadxumo marka qofka loo geysto dhibaato, waxaanay keeni kartaa, tusaale ahaan, in qofka hurdadu ka xumaato iyo in uu riyooyin xunxun ku riyoodo. Ama in qofku aad uga fekero xadgudubka oo laga yaabo in uu dareemo in uu eed ku leeyahay wixii ku dhacay. Xadgudubka kugu dhacay nooca uu doono ha noqdee, waxaa fiican in aad cid uga sheekayso, wixii dhacay. Marnaba ma aha qaladkaaga in uu qof kale kugu soo xadgudubay. Qoraal nagula sheekayso adiga oo qarsoon ama la soo xiriir khadkayaga wadahadalka. Waxaa noo caadi ah in aannu dhagaysanno qisooyinka dhibta badan ee la soo maray.

Kolba waa sida loo qaato. Haddii qofka aad u dirtay sawirka, uu kaa codsaday, markaa wax qalad ah ma aha. Dadka qaar waa ay jecelyihiin in ay diraan oo loo soo diro sawirro qaaqaawan oo uu leeyahay qof ay xiisaynayaan. Laakiin haddii aad sawir gus u dirtay qof aan kaa codsan, markaa sax ma aha. Xitaa waa lagugu ashkatayn karaa oo lagugu xukumi karaa in aad samaysay nabadgelyodarro xagga jinsiga ah. Ma hubtid miyaa in qofku doonayo sawir gus? Markaa ha u dirin!

In cid kale dhibaato loo geysto

Qof kastaa waa uu dareemi karaa in uu dhaawacay oo ka gudbay xuduudka qof kale. Qaar badan waxa ay dalbadaan cafis oo waxa ay isku dayaan in ay dib u hagaajiyaan dhibtii ay dadka kale ku sameeyeen. Wiilasha qaarkoodna waxa ay isku dayaan in aanay dib u hagaajin wixii ay sameeyeen. Taa beddelkeeda waxa ay tamar badan geliyaa in aanay muujin qoomammo amaba in ay dhibaato kale sii geystaan. Haddii aad dadka kale dhibaato kula kacdo, waxaa adkaanaysa in aad yeelato xiriirro caafimaad qaba. Dad badan oo kuu dhow, waxaa ay ka werweri doonaan in aad dhibaato u geysato oo ma dareemi doonaa nabadgelyo.

Waxaa caadi ah in wiilasha ku dhibaateeya dadka kale iskuulka ama xiriirka jacaylka, ay yihiin qaar iyagan dhibaato loogu geysto gurigooda. Soo gal qoraalkusheekaysiga qarsoon ama khadkayaga wadahadalka, haddii aad ka werwersantahay in aad dadka kale dhibaatayso.

In la garanayo qof dhibaato loo geystay

Waa ay adkaan kartaa in la garto wixii la samayn lahaa, haddii aad garanayso qof dhibaato loo geystay. Waa wax iska caadi ah in qofku aad u werwero, balse aanu waxba u muujin qofka la dhibaateeyey. Qofka dhibta loo geystay waxaa badiyaa ugu daran marka ay asxaabtiisu waxba sheegi waayaan, markaa waxa uu dareemayaa kelinimo daran iyo in dadka kale oo dhami ay oggolyihiin dhibaatada loo geystay.

Waxaa jira wax badan oo la qaban karo si loo taageero dadka dhibka loo geysto. Waad taageeri kartaa dhibaatada horteed, marka ay socoto iyo marka ay dhibaatadu dhacday ka dibba. Nagala hadal qaybta qoraalkusheegaysiga, sida aad u taageeri karto dadka dhibaatada loo geystay.

Waa dhib in laga hadlaa

Waa wax caadi ah in kadeed loo arko ka hadlidda wax ku saabsan falal ah dhibaato kugu dhacday ama dad kale ku dhacday. Dadka qaar waxa ay ka walaacaan sida ay dadka kale u arki doonaan. Qaar badanina waxaa ay ka qajilaan wixii loo geystay ama ay cid kale u geysteen. Qaarna waxa ay rabi lahaayeen in ay waxaba iska illoobaan oo aanay ka hadlin. Laakiin waayihii aad soo martay waad xasuusnaanaysaa, xitaa haddii aad isku daydo in aad is illowsiiso. Bogga killar.se, waxaa caadi noo ah in aannu ka hadalno, in dhibaato laguu geystay, in dhibaato aad cid u geysatay ama in aad garanayso cid dhibaato loo geystay, waxaanannu u diyaarsannahay in ay kadeed kugu noqon karto in aad ka hadasho.

Xitaa haddii uu wadahadalku yahay kadeed bilawga hore, haddana waxtar buu yeelanayaa aakhirka. Qaybtayada qoraalkusheekaysiga waxa aad kaga hadli kartaa arrin kasta oo ku saabsan xadgudub. Aqoonsigaagu waa uu qarsoonyahay, mana xukumayno cid! Xitaa waxa aad bilaash kula kulmi kartaa lataliyaha arrimaha bulsada (kurator) qaabilaaddayada wadahadalka ee Stockholm. Halkaa waxaannu kuugu diyaarinnay xitaa wadahadal fiidyow ah, haddii aanad toos u iman karo.