Qof kastaa waa uu dareemaa caafimaadxumo nafsadeed, mararka qaarkood. Waase lagu kala badan yahay. In dareenka caafimaad ee qofku marna fiicnaado marna xumaado, waa wax caadi ah oo nolosha ka mid ah. Ma waxa aad dareemaysaa kelinimo? Ma laga yaabaa in guriga ama iskuulka ay dhibaato ka jirto? Ma waxa aad dhexgashay xaalad adag oo aanad garanayn si aad uga baxdo? Mise waxa aad dareemaysaa uun nafsad xumo aanad garanayn sababta keentay? Arrimaha keeni kara werwer iyo walaal, liiskoodu waa mid dheer. Xaalad kasta oo ku haysata waxa aad noogu soo qori kartaa, qaybta qoraalkusheekaysiga (chatten). Halkan adiga ayaannu kuu joognaa!
In aad dareento walaac ma aha khatar, laakiin dhibaato ayuu noqon karaa, haddii dareenku xoog yahay oo uu socdo wakhti dheer. Welwelku waxa uu ku iman karaa sababo kala duwan, oo noqon kara in qofku sugayo imtixaankii dugsiga sida uu noqday ama in qof qoyska ka mid ahi uu buko oo aanu garanayn si uu u galo. Mararka qaarkood waxaa laga dareemaa jirka welwel kaa bixi waaya oo xitaa aanad garanayn xagga uu kaaga yimid. Welwelka noocaas ah waxaa sidoo kale lagu magacaabi karaa karaa walaac.
Welelka iyo walaaca waa muhiim in laga hadlo, xitaa haddii mararka qaarkood la dareemayo in ay adagtahay.
Haddii gudaha lagu cabudhiyo, waxa adkaan karta in la isdejiyo, in la seexdo, in saaxiibada lala kulmo ama xoogga la saaro dugsiga. Xitaa mararka qaarkood waxaa la dareemi karaa in ay adagtahay neefsashada iyo in wadnuhu si degdeg ah u garaacayo. Halkan waxaannu u joognaa adiga, si aad u hadasho, aqoonsigaaga waa la qarinayaa gabi ahaanba, waanannu ku taageeraynaa wax kasta oo uu yahay waxa keenaya welwelka iyo walaacaaga.
Halkan waxaa ku jira dhawr su’aalood caadiga ahaahn noo yimaadda oo ku saabsan dareenka caafimaaddarrada.
Walbahaarka waxa keeni kara in hawlo badan ay ka socdaan dugsiga ama nolosha kale. Waxa kale oo sababi kara in aad qabto dareen ah in aanad ugu fiicnayn sidii la rabay ama aanad ka soo bixi karin. Haddii ay kugu adag tahay in aad habeenkii dejiso walbahaarka, waxaa muhiim ah in si dhab ah aad wax uga qabato. Cidna uma roona walbahaarku. In la nasto, waa ay u kala duwanaan kartaa dadka oo dhan, sidaas darteed marka horeba waxaa tallaabo wanaagsan ah in la bilaabo ka hadlidda walbahaarka iyo halka uu walabahaarku ka imanayo. Qaybta wada-sheekeysiga, waxaa aad tahay qof aan la garanayn aqoonsigiisa. Waannu ku dhageysaneynaa oo kaa caawineynaa in aad dib u milicsato xaaladahaaga. Xusuusnow; Waxaad tahay qof karaamo leh, si kasta oo arrinta iskuulku u dhacdo.
Waa wax caadi ah in laga fekero sida ay wax noqon lahayeen, haddii aanad noolaan lahayn. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in aad ku fekerto in aad rabto in aad dhimato ama xitaa sida aad samayn kari lahayd si aad isu disho. Taa macnaheedu maaha in aad dhab ahaan u rabto in aad noloshaada soo gabagabayso. Waxaa laga yaabaa in aad dareemayso murugo xoog ah oo aad is leedahay waxba dib u hagaagi maayaan. In aad xoog uga fikirto in aad isdisho, maaha wax aad u baahantahay in aad u adkaysato. Sababta aad uga fikrayso isdilidda ma aha muhiim, muhiimaddu waa in aad caawimo hesho.
Keligaa gaar kuma tihid fikradahaaga, waxaana badanaa caawimo lagu helaa in aad qof kale kala hadasho sida aad dareemayso. Annaga si qarsoodi ah ayaad wax noogu soo qori kartaa, waan ku dhageysaneynaa waana ku taageeraynaa. Waxaa sidoo kale la wici karaa khadka dadka isdilka ku fikiraya ee ”Minds” oo lambarka telefoonkoodu yahay 90 101, sidoo kale waxa ay qabaan qoraalkusheekaysi saacad walba furan. Marka ay jirto khatar is-dilid oo degdeg ahi, wuxuu qofku wici karaa 112.