Waxaa jira jawaabo badan oo ku saabsan macnaha "in la ahaado wiil", sababtoo ah waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo lagu noqdo wiil. Waxaad heli kartaa sharraxaadyo kala duwan, iyadoo ku xiran qofka aad weydiiso. Laakiin waxaa jira xeerar la iska samaystay oo ku saabsan "In la ahaado wiil" oo badankeennu aynu isku si u dareemayno. Xeerarkaa la samaystay, waxaynu ugu yeernaa "Halbeegga wiilnimada". Yacnii sida aynu u aragno in ay wiilashu ahaadaan, u ekaadaan, waxa ay jecelyihiin, sida ay wiilashu ula dhaqmaan dadka kale ama sida ay u labistaan. Miyaad dareemaysaa in aad ahaato qaab gaar ah si aad ula qabsato? Nagula wadaag qaybta qoraalkusheekeysiga. Waa qarsoodi aqoonsigaagu, waxaan halkaan u joognaa in aannu ku taageerno.
Miyaad dareentaa in aad ku qasban tahay in aad si gaar ah ahaato, wiilnimadaada darteed? Inta badan miyaad xanaaqdaa halkii aad ka ooyi lahayd, markaad murugaysan tahay? Ma kugu dhacday in aad rabtay in aad qof kala hadasho sida aad dareemayso, balse aad dhab ahaantii ku dhiiran wayday? Ma kula tahay in dadka kale u maleynayaan in aad xiisayso gabdhaha sababtoo ah waxaad tahay wiil? Kuwani waxay noqon karaan dareemmo caadi ah oo wiilashu dareemaan laakiin sida runta ah waa xeerar la iska samaystay. Waxaynu ku magacawnaa xeerarka halbeegga wiilnimada. Xeerarka halbeegga wiilnimadu waxay rabaan in ay go'aamiyaan, sida wiilku ahaanayo, dareemayo, u fikirayo iyo sida ay u jeclaanayaan dadka kale, inkasta oo run ahaantii aanay jirin wax sax ah ama qalad ah.
In la dareemo cadaadiskooxeed oo lagugu cadaadiyo waxyaabo aanad rabin in aad samayso, waa kadeed. Laakiin waa suurtagal in aad ka soo horjeesato oo aad doorato sida kula wanaagsan ee aad u aragto inay fiicantahay. Ma laga yaabaa in aad adiga laftaadu, qof ku tiri hadal gef ah, adiga oo aan sababta garanayn? Waxyaalahaas oo kale ayaannu kaga hadalnaa qaybta qoraalkusheekaysiga!
Waxaa jira dad isugu jira gabar iyo wiilba, dad dareemaya in ay ka baxsanyihiin ama u dhexeeyaan wiil iyo gabar, iyo dad isu aqoonsan in aanay jinsiba lahayn. Cid aan adiga ahayni ma go’aamin karto jinsiga aad isu aqoonsanayso.
Qoraal nagula sheekayso adiga oo aqoonsigaagu qarsoonyahay, haddii aad qabto su’aalo iyo afkaar ku saabsan jinsiga.
In aad dareento cadaadis ku saabsan dareennada la ogolyahay in la muujiyo, nasiib darro waa wax caadi u dhaca. Dad badan ayaa dareemaya in aan loo ogolayn inay muujiyaan inay murugaysanyihiin iyo in ay ka hadlaan waxyaabo dhib ah.
Haddii ay caadi tahay in la muujiyo xanaaqa intii la muujin lahaa murugo, markaa la yaab ma aha in qofku iska xidho dareemmada qaarkood. Waxaannu ognahay in qof waliba u baahan yahay inuu mararka qaarkood hadlo, loo qalbi qaboojiyo oo la taageero. Taas darteed ayuu u jiraa bogga Killar.se. Qoraal nagula sheekayso adiga oo aqoonsigaagu qarsoonyahay!