Jirka iyo qooraha

Caadi miyaan u eegahay? Muxuu isagu la qalloocanyahay? Siday tahay in la dareemo ? Maxaan ugu yeeraa? Dad badan oo inaga mid ah, ayaa dareema kalsooni darro oo wax iska waydiinaya jirkooda. Marka aad korayso ee aad gasho da'da baaluqidda, waxaa isbeddela jirkaaga oo waxaa la dareemi karaa si si kale. Waxaa laga yaabaa in aad dhakhso si weyn ugu korto ama la moodo in aanad koraynba, in timo aan hore u jirin aad jirka ku yeelato ama in codkaagu isbeddelo. Maxaad ka fekeraysaa? Qaybta qoraalkusheekaysiga, waxaad nagala hadli kartaa wax kasta oo jirka ku saabsan. Nefisid iyo raaxo ayey noqon kartaa in aad hadalka iska faaruqiso. Waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan jirka iyo qooraha. Qaybta qoraalkusheekaysiga waxaad tahay qof qarsoon, annaguna waxa aannu u joognaa taageeradaada.

Qooraha

Dhammaan qooreyaashu way kala muuqaal duwanyihiin. Waxay noqon karaan kuwo yaryar, kuwo waaweyn, qaar kala midabyo ah oo kala ur duwan, waxaanu noqon karaan wax adag, haddii aad kacsato. Su’aalaaha badan ee qaybta qoraalkusheekaysiga aannu ku helno, waxay ku saabsanyihiin muuqaalka guska ama in lagu magacaabi karo qoore, gus ama buuryo. Adiga ayaa kala dooranaya. Dad badan oo inaga mid ah ayaa ka werwera in gusku qalloocan yahay ama xaniinyuhu aanay isku sinnayn. Gusaska badankoodu waa ay qalloocan yihiin, xaniinyuhuna waa sidaas oo kale. Haddii aad ka welwelsan tahay in ay wax khaldan yihiin, waxaad u tegi kartaa rugta qaabilaadda dhallinyarada. Waxa ay ku yaallaan magaalooyinka dalka oo dhan badankooda. Sidoo kale waxaad nagula sheekaysan kartaa qoraal qarsoodi ah. Waannu ku dhageysaneynaa oo kaa taageeraynaa werwerkaaga.

Su’aalaha soo noqnoqda ee ku saabsan jirka

Halkan waxaa ku qoran dhawr su’aalood oo soo noqnoqda oo ku saabsan jirka iyo qooraha.

Qaar badan oo inaga mid ahi waxa ay ka fikiraan cabbirka guska, marka ay fiirsadaan muuqaallada jinsiga ah. Waxaa jira xeerar la iska samaystay oo ku saabsan in uu u ekaado sida kuwa muuqaallada jinsiga ah. Ragga ku jira muuqaallada jinsiga ah, badiyaaba waa rag qaba jir dhis badan, oo in badan kacsan kara oo leh gusas ka weyn inta caadiga ah. Waxaa laga sawira xagal u muujinaya in uu gusku ka weynyahay inta uu yahay. La yaab ma leh in aad u malayso in aanad caadi ahayn, haddii ad isbarbardhigto sida muuuqaallada jinsiga ah! Gusaska oo dhami way kala muuqaal duwanyihiin. Waxay noqon karaan kuwo yaryar, kuwo waaweyn, qaar kala midabyo ah oo kala ur duwan, oo adkaantoodu kala duwantahay marka la kacsanayo.

Dad badan oo inaga mid ah waxaa soo mara xilliyo ay adag tahay in gusku u kaco oo adkaado. Waxa sabab u noqon kara arrimo badan oo jir ahaan iyo/ama maskax ahaanba ah. Tusaale ahaan, waxay taasi dhici kartaa, haddii aad dareento in aadan ku filnayn ama aad u baahan tahay in aad hab gaar ah u ula dhaqanto lammaanegalmo. Qaarkeen waxay dareemayaan in ay kacsan karaan uun marka ay daawadaan muuqaallo jinsi ah. Tan waxaa sabab u noqon kara in aad daawatay muuqaallo badan oo jinsi ah oo aad la qabsatay in aad ku kacsato waxyaabo gaar ah ama aadan u baran in aad khayaalkaaga isticmaasho oo aad iskaa u kacsan karto. Haddii aad tahay qof tilmaantaa leh, waxaa fiican in aad cid kale la hadasho oo aad ka fikirto in aad iska yarayso daawashada muuqaallada jinsiga ah. Waxaa fiican in la ogaado in shaqada jirkeenna uu maamulo fikirkeennu. Haddii aad dareemayso walbahaar, cadaadis ama aad walaacsan tahay, waxaa fudud in jirku u shaqeeyo si lid ku ah wixii aad rabtay. Wax bay taraysaa in cid kale lagala sheekaysto waxa lagu fikirayo.

Guskaagu waxa uu noqonayaa adayg marka aad kacsanayso. Uma baahnid in aad ka werwerto in uu cid dhaawaco marka aad galmoonayso, haddii aad taxadirtaan oo aad hubisaan in aad isku wax doonaysaan. Haddii aad isla seexanaysaan oo qofka kale aanu qoyanayn ama isticmaalin saliid, waxay noqon kartaa xanuun oo waa in aad toos u joojisaan. Ha degdegin, xoog ha u gelinin ama si toos ah ee hubso in aad raaxo ku dareemaysaan adiga iyo qofka aad isu galmoonaysaanba. In la isa salaaxo, in laabta la isku qabto iyo dhunkashadu waxay noqon karaan hab fiican oo lagu wada kaco.

In qofku jeclaan waayo muuqaalkiisa

Waxa inagu xeeran sharciyo la iska samaystay oo ku saabsan sida ku habboon in qofka jirkiisa iyo dadka kale jirkoodu ay u eekaadaan ama aragtiyo ku saabsan waxa quruxda badan iyo waxa foosha xun. Qaar badan oo inaga mid ahi waxa ay naftooda barbardhigaan dadka kale ee ay isku da’da yihiin. Maxaan timo badan jirka ugu leeyahay? Maxaan timo ugu yeelan waayey jirka? Maxaa sidan ugu dhuubnahay, iyada oo kuwa kale aanay sidan ahayn?

Dareenka ah in aanad ku habboonayn kuwa kale ama aad u eegtahay si gaar ah waxay keeni kartaa in aad dareento qajilaad, murugo ama aad nacdo naftaada iyo jirkaaga. Runtu waxa ay tahay in dhammaan dadku kala muuqaal duwanyihiin oo dhammaan xeerarka la iska samaystay ee ku saabsan muuqaalka iyo jirku ay caafimaaddarro u keenaan qaar badan oo inaga mid ah. Ma maqashay in la wada jecelyahay wiilasha leh muruqyada iyo guska weyn? Qof ma kugu yidhi in dadka midab gaar ah leh ay ka qurux badanyihiin kuwa midab kale leh? Haddii arrintu sidaa tahay, kuguma koobna adiga. Waxbana kama jiraan. Dhammaan xayeysiisyada, baraha bulshada iyo muuqaallada jinsigu, waxay iska samaystaan xeerar ku saabsan ”sida ay tahay in aynu u ekaanno” oo u dhaqanno. Wax lala yaabo ma aha in jirro laga qaado xeerarkaa la iska samaystay ee ku saabsan muuqaalka. Waxaa wax wax fiican ahaan karta in cid kale lagala sheekaysto. Qoraal baad nagula sheekaysan kartaa adiga oo qarsoon. Waxaannu dhagaysanaynaa fikradahaaga ku saabsan muuqaalka, waanannu ku taageeraynaa.

Baaluqidda

Waxaad yeelanaysaa timo, muruqyo, jinsigaaguna wuu korayaa oo beddelayaa muuqaalka. Qaar badan oo inaga mid ahi waxay dareemayaan dareenno badan, waxaanay ku fekerayaan fikrado cusub. Dabeecaddaada ayaa noqon karta wax isbedbeddesha, waxaa laga yaabaa in aad si fudud u xanaaqdo. Waxaad dareemi kartaa murugo. Jirkaagu waa uu isbeddelayaa. Waxaa dhici kartaa in aad xiisayso galmada oo aad kacsi dareento. Dhammaan arrimahaas iyo qaar kale oo badan, waxaa ay yimaaddaan marka aad gasho xilliga baaluqa.

Waxa la dareemi karaa dhib, waxaana adkaan karta in la garto waxa keenaya waxyaalahaa kala duwan. Waxaa fiican in cid kale lala hadlo si dhammaan fikradaha iyo dareennadu u noqdaan qaar si sahlan loo fahmo. Baaluqiddu waxaa ay dadka kala duwan ku bilaabantaa da’o kal duwan. Ma jiraan wax sax ah iyo qalad ahi.
Waxyaalahaa wax ka mid ah, ma isku aragtay? Waa sidee dareenku? Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan baaluqidda, waxaad nagula sheekaysan kartaa qoraal adiga oo qarsoodi ah.

Fekerro dhib badan oo ku saabsan jirka

Timo badan mise timo yar, gaabnaan, dheeraan, buurnaan mise dhuubni? Sidee ayaa habboon in uu jirku u ekaado? Wiil ahaan, waxaa laga yaabaa in aad dareemayso werwer ku saabsan sida jirkaaga u eegyahay iyo sida dadka kale u arkayaan. Taasi ma aha wax lala yaabo. Badankeennu waynu ka fekernaa jirka. Waxay u badantahay in saaxiibkaa ka werwero jirkiisa in ka badan inta uu kaaga wax ka fekerayo! Xayeysiisyada, baraha bulshada iyo muuqaallada jinsiga ah, wiilasha ku jira badankoodu aad bay isugu eegyihiin. Inta badan waa qaar sameeyey jirdhis badan, dherer gaar ah leh, midab gaar ah leh iyo timo gaar ah. Laakiin dhammaanteen waynu kala muuqaal duwannahay sida runta ah. Qofna uma eka sida aad u eegtahay. Annaga waxaad si qarsoodi ah qoraal ahaan nagala sheekaysan kartaa, wixii ku saabsan afkaarta jirka. Waannu kaa dhagaysanaynaa, wax alla wixii aad afkaar hayso.