Muuqaallada jinsiga

Qaar badan oo inaga mid ahi, waxay la kulmaan muuqaallada jinsiga, ama waxay qabaan fikrado ku saabsan, laakiin dad aad u yar ayaa ka hadla. Waxaa laga yaabaa in aad rabto in aad wax dheeraad ah ka ogaato ama aad fahanto sida ay muuqaallada jinsugu kuu saamaynayaan iyo sida ay dadka kale ku noqdaan?

Waxaa laga yaabaa in aad qabto dareen laba dhinac ah oo ku saabsan muuqaallada jinsiga, wax xiiso badan iyo wax ceeb ah labada? Waxaa laga yaabaa in aad rabto in aad ku siigaysato, nooc gaar ah oo muuqaallada jinsiga ah balse aad isla markaa dareento inay qalad tahay? Mise waxaad ka fikiraysaa waxa xadgudubka ah iyo halka uu ku joogsanayo xuduudka is ogolaanshaha ee muuqaallada jinsigu? Waxaad xaq u leedahay in aad hesho aqoonta loo baahan yahay si aad u go'aansato halka aanad dhaafi karin iyo dadka kale halka xadkoodu ku joogo.

Waa maxay muuqaallada jinsiga ahi?

Muuqaallada jinsiga ahi waxa ay ka koobanyihiin filimmo iyo sawirro ay dadk ku samaynayaan arimo jinsi ah kamaradda horteeda. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa in aad mooddo in muuqaallada jinsiga ahi, ay dadka barayaan galmada, waanay tahay sidaa, haddii si loo eego. Waxa aanu ku barayn muuqaalka jinsiga ahi waa, waxay tahay galmada adiga raaxada kuu leh. Soosaareyaasha muuqaallada jinsiga, oo ah kuwa qorsheeya waxa kamaradda lagu hor samaynayo, waxay sameeyaan filimmo iyo sawirro ay doonayaan in ay gadmaan si ay lacag badan uga shaqaystaan. Ujeeddo, meeshu waa ganacsi iibinaya alaab. Sooraareyaasha muuqaallada jinsigu, dan kama laha caafimaadka aad adiga iyo dadkan kamaradda laga duubayaa dareemaysaan, dan kama laha waxa fiican iyo wax kale, dan kama laha halka uu yahay xaduudkaaga ama dadka kale xuduudkoodu. Dadkan aad ku arkayso muuqaallada jinsiga, inta badan, waa dad lagu qasbay in ay sameeyaan wax aanay rabin.

Muuqaallada jinsigu waxa ay badiyaa soo daayaan xadgudub. Muuqaallada jinsiga ah waxaa lagu yaqaan in ay muujiyaan nin ku xukumaya gabar in ay samayso wax kasta oo uu ninku rabo. Waxaa loo qaadan karaa in ay qasab tahay in la sameeyo sidan muuqaallada jinsigu soo bandhigaan. Laakiin sidaasi ma aha sax!
Waxaa laga yaabaa in aad daawato muuqaal jinsi oo aad u malaynayso in aanu ku jirin xadgudub ama muujinaya uun wiil iyo gabar. Waxaase habboon in aad ogaato, xitaa haddii aad daawato nooc kale oo muuqaal jinsi ah, kaa qudhiisu ma muujinayo sawir caddaalad ah oo ku saabsan sida jirku u egyahay ama sida ay tahay galmada adiga kuu fiicani. Inta badan dadka ku jira muuqaalka jinsiga ah xoog bay u cabaadaan, waqti dheerna way wadaan oo waxay u egtahay wax aad u fudud. Waxaa laga yaabaa in aad naftaada barbardhigto oo aad dareento niyadxumaan marka aad galmada samaynayso? Halkan ka akhri, warbixin dheeraad ah oo galmada ku saabsan.
Haddii aad in badan daawato muuqaallada jinsiga, waxay saamayn kartaa caafimaadkaaga ama sida aad u fikirayso ee ku saabsan xudduudahaaga ama dadka kale xuduudahooda iyo oggolaanshahahooda. Taasi waxay daawici kartaa naftaada iyo dadka kale ee kugu xeeranba.
Annaga si qarsoodi ah ayaad noogu soo qori kartaa fikradahaaga ku saabsan muuqaallada jinsiga. Waannu ku dhegaysanaynaa oo kaa caawinaynaa in aad dib wax u milicsato.

Su’aalaha soo noqnoqda ee ku saabsan muuqaallada jinsiga

Halkan waxaa ku qoran dhawr su’aalood oo soo noqnoqda oo ku saabsan muuqaallada jinsiga.

Muuqaallada jinsiga ahi, waxay iska alliftaan xeerar ku saabsan sida ay tahay in ay ahaato galmadu, ta naftaada iyo ta dadka kaleba. Inkasta oo laga yaabo in aadan rabin in aad ku tijaabiso qof kale waxa aad ku aragto muuqaallada jinsiga, haddana waxay saameyn karaan sida aad u aragtida aad ka qabto naftaada iyo dadka kaleba. Muuqaallada jinsiga ah ee qallafsanaanta iyo gacankahadalka leh, waxay ku harayaan xasuustaada wakhti dheer xitaa haddii aanad rabin, waxayna durkinayaan xuduudaha waxaad u aragto inay fiican yihiin. Inta badan muuqaallada jinsiga ah, waxaa sameeya shirkadaha waaweyn ee jinsiga, kuwaas oo doonaya in ay lacag ka sameeyaan. Dan kama laha in muuqaallada jinsigu noqdaan wax fiican oo dadkoo dhami u dareemaan wax wanaagsan. Kuwa ku jira muuqaallada jinsiga, inta badan kuma joogaan rabitaankooda xorta ah, waxaana loola dhaqmaa si xun. Xaq baad u leedahay in aad sahamiso galmadaada laakiin waa in naftaada ama dadkale aanay ku dhaawacmin. Muuqaallada jinsiga ahi waa in aanay kuu go'aamin waxa jinsigu yahay ama sida ay tahay in uu noqdo.

Dad badan oo inaga mid ah ayaa sidan u fikira! Waa wax caadi ah in la dareemo ceeb, balse la iska sii wado fiirsashada. Dad badan ayaa raadsada muuqaallada jinsiga ah, maadaama ay fududdahay in la helo laguna abuurto kacsi. Laakiin marka aad badsato daawashada jinsiga, waxaa badanaya halista ah in aad naftaada barbardhigto kuwa ku jira muuqaallada oo aad qaadato sawir ku saabsan sida ay tahay in ay galmadu noqoto. Taasi waxay cadaalad darro ku noqonaysaa naftaada iyo dadka kale labadaba! Waxaa fiican in aad isweydiiso, markay fikradahaasi kugu soo dhacaan: Sidee ayaad dareemeysaa markaad daawato muuqaal jinsi ah? Sidee ayaad dareentaa daawashada ka dib? Fikrado noocee ah ayaad ka heshaa sida ay tahay inay galmadu noqoto, daawashada jinsiga ka dib? Ma jiraan waxyaabo kale oo aan ahayn muuqaallo jinsi oo aan tijaabin karaa?

Caafimaadxumo ayaan ku dareemaa daawashada muuqaallada jinsiga ah ee sidee baan u joojin karaa?

Keligaa ma tihid. Dad badan ayaa noogu soo qora qaybta qoraalkusheekaysiga in ay dareemayaan caafimaadxumaan, oo ay rabaan inay joojiyaan daawashada muuqaallada jinsiga ah. Qaar badani waxay cabbiraan in ay in badan daawadaan xilliyada ay dareemaan caafimaadxumo oo waxaa laga yaabaa inay dareemayaan walbahaar ku saabsan waxyaabo kale oo nolosha ah. Qaar kale waxay sheegaan in daawashadoodu keentay in aanay kacsan karin haddii aanay fiirsan muuqaallo jinsi ah. Ka fikir sababta aad u rabto in aad joojiso iyo xaaladaha aad daawato jinsiga, badiyaaba. Ma ku buuxin kartaa xilliyadaas, wax kale?

Noo soo qor haddii aad rabto in aad wax dheeraad ah ka sheegto sida uu kuu saameeyo jinsigu!