Xiriirradu waa sidii isku xirid ama wadajir ka dhexeeya dad kala duwan. In xiriir lala lahaado qof, macnaheedu ma aha in la wada joogo. Dhammaan xiriirradu waa ay kala duwanyihiin. Tusaale ahaan waxa jira xiriirro saaxiibtinimo, xiriirro ehelnimo iyo xiriirro jacayl. Waxa jira xiriirro uu qofku ka helo caafimaad iyo xiriirro laga qaado caafimaad darro. Ma jiraa qof aad xiisaynayso balse aanad garanayn si aad ula xiriirto? Ma dhibaato ayaa ka jirta guriga qoyskiinna? Ma jiraa saaxiib aad is khilaafteen oo aad ku tiri wax aad ka shallaayday? Miyaa xiriirka laguu jaray mise waxaad doonaysaa in aad adigu iskaa u joojiso? Miyaad inta Badan dareentaa masayr? Ma se waxaad rabtaa in aad ka yara hadasho cilaaqaadkaaga? xiriirradu waa qayb weyn oo nolosheenna ka mid ah iyo mawduucyada ugu badan khadkayaga qoraalkusheekeysiga. Annagayaga kula sheekaysanaynaa, waannu naqaannaa sida looga hadlo xiriirrada, qoyska, saaxiibtinimada iyo jacaylka. Soo gal oo nala sheekayso adiga oo aan sheegin qofka aad tahay, waanu ku taageernaynaa.
In aad wax jeclaato waa heer sare! Waxa aad jirka ka dareemi kartaa waxyaabo badan jacaylka dartii. Laablakac, kulayl, deggenaan iyo farxad. Waxaa laga yaabaa in aad qofka uun ka fikireyso oo ay kugu adag tahay in aad wax kale diiradda saarto. Sidoo kale waxa aad dareemi kartaa welwel iyo murugo. Gaar ahaan haddii aanad garanayn in qofka aad jeceshahay uu dareemayo sidaada oo kale. Marka aad u dhawdahay qof aad jeceshahay, waxaad dareemi kartaa cabsi badan iyo dareen raaxo leh ah oo isku waqti ah. Dhibaato ayey noqon kartaa haddii aanad cidna kala sheekaysan arrintaa.
Waa ay adagtahay in la ogaado sababta aynu u jeclaanno qof gaar ah ama qofaf. Waxaa laga yaabaa in ay tahay sababtu, qof codkiisa, caraftiisa, sida uu qofku yahay iyo waxa uu ka hadlayo. Waa caadi in aad la amakaagto qofka ama qofafka aad jeclaato. Waxaa laga yaabaa in aad aaminsantahay in aad sax u garanayso nooca aad ka hesho, ka dibna aad jelaato qof nooc kale ah oo ka duwan? Waxaa laga yaabaa in aad aaminsantahay in ay tahay in aad jeclaato qof jinsi gaara ah, balse aad jacayl kula duldhacdo qof gebi ahaanba jinsi kale ah. Waa caadi ah in aad dareento jahawareer ku saabsan dareennadaada, waanay adagtahay in aad xakamayso qofka aad jeclaan doonto. Cid aan adiga ahayni ma go'aaminayso qofka aad jeclaan doonto. Waannu ku soo dhaweynaa in aad nagala sheekayso arrimaha ku saabsan jacaylka!
Dadka oo dhami waxay aaminsanyihiin, u fikiraan oo wax u dareemaan siyaabo ka duwan, sidaa darteed waxaa mararka qaarkood dhici kara isfahanwaa iyo muran xiriirka dhexdiisa ah. Waa dhif inta ay jiraan sax keli ah ama khalad keli ahi, waana wax caadi ah , ilaa inta aanu dhaawac ka soo gaarin qof, sida uu qofka kale u dhaqmay. Isfahmi waaga iyo muranku waxay noqon karaan wax xun, gaar ahaan haddii uu idiin dhexeeyo dadka aad danaynayso. Waxay ahaan kartaa wax adag in la fahmo sida ay dadka kale dareemayaan iyo in la isla heshiiyo. Gaar ahaan haddii aad murugaysan tahay, xanaaqsan tahay ama aad cabsanayso. In aad cid kale la hadashaa waxa ay kuu fududayn kartaa in aad fahanto sida ay dadka kale dareemayaan, isla markaana waxa ay kugu hagi sida adiga laftaadu aad u dhaqmayso.